Warbaahinka caalamiga ah gaar ahaan midda ku hadasha luqadda Carabiga waxaa bogagga hore uga qoran khilaafka xooggan ee soo kala dhaxgalay DFS iyo dowladda Imaaraatka Carabta.
Cayayaanka baraha bulshada ayay labada dhinac si aad ah u isticmaalayaan gaar ahaan xukuumadda Abu Dubai oo saameyn xoog leh ku leh warbaahinta.
Imaaraatku waxay taageerayaal iyo qarayaal ku leeyihiin barta X ee Twitter loo aqoon jiray halkaas oo ay kusoo gudbinayaan farriino kulul oo ka dhan ah Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa jira baarayaal Carbeed oo si dheellitir iyo miizaan leh uga hadlay arrintan iyagoo soo faagaya dulucda khilaafka dhinacayada iyo waxa uu salka ku hayo,baaxith-ka lagu magacaabo Naasir Altameymi ayaa arrinkan ka falceliyay isagoo soo taabtay gunta khilaafka.
Wuxuu soo sardiyay quwadaha caalamiga ah ee garab taagan dhinacyada is haya isagoo muujiyay in DFS-ka aysan iska maagin Imaaraatka balse ay jiraan dhinacyu arrinkaas ku cadaadinaya.
Xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waxay ka gudubtay khilaaf diblomaasiyadeed oo ku saabsan dekedaha iyo iskaashiga amniga, waxayna isu beddeshay loollan siyaasadeed iyo istaraatiiji ah oo ay ku tartamayaan quwado goboleed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo doonaya inay saameyn ku yeeshaan Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa u dhow dalal ay ka mid yihiin Masar, Sacuudiga, Turkiga iyo Qatar, inkasta oo mid kasta uu leeyahay dano u gaar ah.
Masar waxay danaynaysaa xakamaynta saameynta Itoobiya, Sacuudiga iyo Qatar waxay taageerayaan DFS halka Turkigu doonayo inuu ilaashado joogitaankiisa milatari iyo danihiisa istaraatiijiga ah oo ay kamid yihiin gacan ku dhigidda kheyraadka dalka.
Dhanka kale Imaaraadka, Itoobiya iyo Yahuudda waxaa ka dhexeeya dano kala duwan oo la xiriira arrimaha maamulka isku magacaabay Somaliland.
Imaaraadku wuxuu saameyntiisa ku fidiyaa dekedaha iyo xiriirrada amniga, Itoobiya waxay raadineysaa marin badeed, halka Israa’iil ay taageertay aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland. Iiraan, iyaduna, waxay taageertaa midnimada Soomaaliya, waxayna ka soo horjeeddaa ballaarinta saameynta Sahaayinada ee gobolka.
Marka laga hadlayo quwadaha caalamka, Shiinuhu wuxuu u janjeeraa mowqifka dowladda Xasan isaga oo sidoo kale tixgelinaya xiriirka istaraatiijiga ah ee uu la leeyahay Imaaraadka.
Maraykanku wuxuu DF ku taageerayaa ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada balse sidoo kale wuxuu ilaaliyaa xiriirkiisa dhow ee Imaaraadka iyo wadaxiriirka uu la leeyahay Somaliland.
Ugu dambeyn waxaa muuqata in khilaafkan ay gadaal ka taagaanyihiin dhinacyo is eryanaya kuwaas oo mid walba masaalixdiisa ka dhax arka waxaana ladhihi karaa Soomaaliya waa dal loo tashaday.
